Allbanaadir.com
NEWS

Nin sabab u ahaa geerida gabar uu guur sharcidarro ah la galay oo Muqdisho…

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa qoraal ay soo saartay ku baafineysa nin lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Cabdulle, ninkan ayaana ku eedeysan in uu sabab u ahaa geeri ku timid gabar uu saaxiib la ahaa lana galay guur sharcidarro ah.

Qoraalka kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan uu guur sharcidarro ah la galay marxuumad Muno Cali Maxamed , waxaana la sheegay in gabadhan uu kusoo baxay uur uuna ku qal qaaliyay ninkan in ay iska soo rido sidaasna markii dambe ku geeriyootay.

Maxkamadda goboilka Banaadir ayaana ninkan eedeysanaha ah ka dalbatay in muddo 30-cisho gudahood ah maxkamadda gobolka Banaadir ku horyimaado, si uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyay ee uga yimid xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo si arxan daro ah gabar ay dhashay ugu dishay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Sababta aad Mustaqbalka ugu baahan tahay inaad booqato Magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

admin

Dowladda Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in loo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---