Allbanaadir.com
NEWS

Malaayiin Mareykan ah oo saakay u dareeraya Doorashada iyo Trump oo….

Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yeelaan sanaadiiqda codoadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.

Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.

Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi “in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka.”
Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan bey tiri.

Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soot ago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Hadiyad ah oo lagu dilay Vladen Tatarsky iyo Labo haween ah oo la raadinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Dowladeydu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa afar Qodob” (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray kulamadii Uhuru Kenyatta & Muuse Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---