Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo la kulmay Mathieu Briens & Wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada muhiimka ah oo ay kamid yihiin  dib u qaabeynta amniga Soomaaliya kadib bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyo sidii ay iskaashi u wada samaysan lahayeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka tababarrada iyo qalabeynta ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey xaallada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro  kooxaha Khawaarijta.

Mr.Mathieu ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee la xiriira howlgallada xasillinta iyo amniga  Soomaaliya.

Related posts

(Akhriso) War-Murtiyeed rasmi ah oo laga soo saaray Shirkii Rooble & Musharaxiinta

Caydiid Ali

Kuuriyada Koonfureed oo Gantaalo ku riday Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo soo bandhigay khariidada Somalia oo laga jaray Somaliland (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---