Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo dhexdhexaadinaysa Xassan Shiikh & Axmed Madoobe (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya.

Talaabada uu qaaday wafdigan ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday Kenya inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo DFS

Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo senatorkii  hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxman Colow sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland

Wafdiga iyo Axmed Madoobe ayaa ka wadahadlay sida ugu haboon ee meesha looga saari karo khilaafka oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Wafdigan ayaa lagu wadaa iney soo gaaraan magaalada Muqdisho marka ay ka soo ambabaxaan Kismaayo si ay ula kulmaan madaxda sare ee dowlada Somalia

Talaabada ay qaaday Kenya ayaa waxay ceeb iyo sharaf dhac ku tahay madaxda DF oo maamul iyaga hoos yimaada u adeegsanaya madaxda dal kale, waxayna arrintan u muujineysaa in madaxda dalka aysan laheyn karti ay ku maamulaan kuna xakameeyaan maamulada hoos yimaada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xog:-Farmaajo oo xoojinaya ololihiisa doorashada iyo Rooble Garbahaarey ka bilaabay..

Caydiid Ali

Nin Jirdil iyo Xabsi ku muteestay Funaanada Xulka Kubada cagta ee Qadar uu xirtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---