Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Raisul Wasaare Xamse oo Wasiiro cusub Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir ku-xigeen cusub u Magacaabay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Wareegto ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ayaa  lagu magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Xilkan ayaa waxaa iska casilay shalay Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka soo jeeda degaanada Jubbaland kaasoo qoraal uu soo saaray ku eedeeyey Xukuumada Xamse Barre inay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay.

Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa la sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha Axmed Madoobe oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo madaxda DF.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Related posts

(Sawirro) Ku dhowaad 130 dagaalyahano Islaamiyiin ah oo lagu laayey saddex howlgal

Caydiid Ali

Ciidanka Gor Gor oo howlgal bur burin ah ka sameeyeen deegaan Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Hay’adda Caafimaadka QM ee WHO oo eedeyn culus u jeedisay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---