Allbanaadir.com
NEWS

Markabka Oruç Reis oo shaqadiisa ka bilaabay Somalia (Sawirro)

Wasaaradda Difaaca Turkey ayaa sheegtay in markabka ORUÇ REİS uu gudagalay shaqadii loogu soo diray xeebaha Somalia ee la xiriirtay sahminta shidaalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in markabkaas ay amnigiisa sugayaan maraakiibta dagaalka ciidamada Turkiga ee TCG GÖKOVA, TCG GEDİZ iyo TCG ÜTĞM oo ku sugan biyaha Soomaaliya.

Maraakiibtan ayaa ka ilaalinaya markabka ORUÇ REİS burcad badeeda Soomaalida oo mudooyinkan soo laba kacleeyey, madax furashana ka qaatay maraakiin ay afuubteen.

Ciidamada bada Turkey qaybta loo yaqaano “Somalia Maritime Task Group” ayaa howsha sugida amniga loo xil saaray sida ay sheegtay wasaarada difaaca.

Markabkan ayaa hadda ka howlgala xeebaha ku aadan Galmudug gaar ahaan nawaaxiga Hobyo illaa Xarardheere iyo Ceeldheer hallkaasoo uu shidaal ka baarayo isagoo xeebaha Somalia joogi doona dhowrka bilood ee soo socda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

 

Related posts

Shirkii Tubta Maamulka G/Banaadir oo looga dooday Xeerar Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Shaki soo kala dhaxgalay dowladda iyo Ahlu-Sunna & go’aanno ka dhan dowladda oo lasoo saaray …!!

admin

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Geelle ku tilmaamay in uu yahay cadawga Soomaaliya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---