Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha labada Aqal ee Jubbaland oo ka hadlay baaqii Axmed Madoobe

Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland ayaa ka jawaabay shirka wada-tashi ee uu ugu yeeeray Madaxweyne Axmed Madoobe kaasoo ka dhacaya dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inay tagayaan Kismaayo, ayna aqbaleen casuumaadda Axmed Madoobe.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa xusay Xildhibanada Jubbaland ayaa sheegay inay tagaan Kismaayo, kuwaasoo ka qeyb-galaya shirka wadatashiga ee ugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay.

“Waxaan aqbalnay inaan tagno Kismaayo, waxaan u tageynana waa wada-tashi, waana la soconaa daruufaha siyaasadeed ee dalka marayo, Xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka ku matala Jubaland waxay ka kooban yihiin 51, in kabadan 40 ayaa gaari doonto Jubbaland oo u diyaar ah,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socday Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo DF ayaa cirka gashay, waxaana shalay is casilay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Xamse oo ka soo jeeda Jubbaland, iyadoo ay muuqato in Axmed Madoobe uu hub ahaan u adeegsanayo xubnaha goleyaasha DF ee ka soo jeeda Jubbaland.

Related posts

Siyaasi Caan ah oo soo bandhigay Fashilka Farmaajo mudadii uu xilka hayay

Cabdi Cade

Mareykan oo fashiliyay qorshe Farxan Shakeri ku dili rabay Donald Trump

Cabdi Cade

Dowlad Muslim ah oo dayuurad gargaar sida u dirtay dalka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---