Tirada saraakiisha iyo askarta Israa’iil ee is dilaya ayaa la sheegay toddobaadkan inay korodhay, taasoo ku qasabtay Israa’iil inay sheegto inay dagaallo ku dhinteen
Sarkaalkii u dambeeyay ee is dila ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa guutada Nahal oo muddo dheer ka dagaallamaya marinka Qasa, sida u sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Ynet.
Askarta Israel qaarkood ayaa la sheegay iney ku waasheen dagaalada, halka qaar kalena ay diideen iney dagaalamaan oo xabsiga la dhigay, iyadoo Israel ay haatan qoraneyso soo galootiga sharci darada ku joogay dalkaas kuwaasoo la siinayo tababaro deg deg ah si looga qeyb geliyo dagaalka iyadoo taas loogu bedelayo in la siinayo dhalashada dalkaas.
Netanayahu ayaa si dhammeystiran u lumiyay warbaahinta gudaha Israa’iil, kuwaasoo hadda u muuqda inay ka soo horjeedaan.
Wargeyska loogu iibsiga badan yahay Israa’iil ee Yedioth Ahronoth oo la aasaasay sannadkii 1939 ayaa hadda ku warramaya “Netanyahu ma doonayo inuu sii daayo maxaabiista ama la soo afjaro dagaalka— laakin wuxuu doonaya inuu dawladiisa ku ilaaliyo xukunka, si uu uga fogaado baaritaan lagu sameeyo.”
Sida laga arkay dhacdadaadii u dambeysay ee xafiiska Netanyahu ka dhacday, sidoo kale ma jirto wada shaqeyn ay warbaahinta Israa’iil la leeyihiin, sababtoo ah fadeexada ka taagan xafiiska Netanyahu waxay la xiriirta xogta sirta ah ee dagaalka in loo dusiyay wargeyska Jarmalka ah ee BILD.