Sirdoonka Turkiga ayaa la aaminsan yahay inay ka qafaasheen dalka Kenya afar muwaadin oo u dhashay Turkiga, kuwaasoo la sheegay magangalyo inay ku joogeen Kenya.
Dawladda Kenya ayaa dhacdadaan kala kulantay dhaleeceyn iyo inaysan awoodin inay ilaaliso afarta qof ee magangalyada waydiistay, balse xoghayaha arrimaha dibadda Kenya, Korir Sing’oei ayaa soo baxay isagoo sheegaya in afarta qof ay ku wareejiyeen dawladda Turkiga , kaddib codsi ka yimid Ankara
Waxaa uu ku tilmaamaya inay ahaayeen dad khiyaano qaran ka soo galay dalkooda, sida uu ku warramay wargeyska The Standard.
Ma jiro dhinaca Turkiga wax hadal ah oo ay ka soo saareen afduubka afartan qof oo la sheegay in diyaarad gaar ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay sare mareen tirada shaqsiyaadka magangalyada ka dalbada Kenya ee ku dambeeya gacanta dalkii ay ka soo carareen.