Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey..

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda shanaad ee wadajirka ah.

Waxaa shir guddoomineysay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenadda Baarlamaanka labadiisa aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025 oo uu Golaha horgeeyay Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal.

Waxaa warbixinta akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda 2025 Xildhibaanadda la wadaagay Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) oo ah xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Intaasi dib Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo hab gacan taag ah ugu codeeyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 ayaa waxaa ogolaatay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda ee sanadka 2025.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka oo gaareysa lacag ka badan $1,359,714,328 ayaa noqonaysa tii ugu badneyd ee Dowladda Soomaaliya ay yeelato, tan iyo sanadkii 1991-kii.

Related posts

La-taliyaha amniga Qaranka oo Gudoomiyey shir looga hadlay arrimo xasaasi ah

Caydiid Ali

In ka badan 18- Milyan Dollar oo ka maqan lacag Deeq Bixiyaasha ugu deeqeen Somalia (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Masar oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---