Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay shirka World Urban Forum ee Somalia ka qeyb galayso?

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale).

Wafdigaan ka socda Soomaaliya ayaa qayb galaya Madasha Duni Magaalaynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed Masar..

Kalfadhaga laba iyo tobnaad ee Madasha Magaalooyinka Adduunka waxaa diiradda lagu saari doonaa dejinta Yoolalka Horumarin Waara, iyadoo iftiiminaysa waxyaabaha Ficilada maxalliga ah iyo dadaallada loo baahan yahay si loo xakameeyo caqabadaha caalamiga ah ee magaalooyinka saameeya maalin kasta nolosha dadka, guryaha aan la awoodi karin, kor u kaca qiimaha nolosha, isbedelka cimilada, la’aanta adeegyada aasaasiga ah, iyo colaadaha socda.

Madasha Magaalooyinka Adduunka (WUF) waxaa aasaasay Qaramada Midoobay 2001 si ay u baarto mid ka mid ah arrimaha ugu daran ee maanta adduunku wajahayo: magaalaynta degdega ah iyo saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka, , dhaqaalaha iyo isbedelka cimilada.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Madashu waxay u xuubsiibtey shirka caalamiga ah ee ugu horeeya ee ku saabsan magaaleynta waarta.

Waxaa soo qabanqaabisay oo ay qabatay barnaamijka dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UNHabitat), Shirkan waa mid ka mid ah shirarka caalamiga ah ee loo dhan yahay ee arrimaha magaalooyinka.

Waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socda heer qaran, heer gobol iyo degmo, aqoonyahanno, ganacsato, hogaamiyayaasha bulshada, masuuliyiinta magaalooyinka iyo wakiilada bulshada rayidka ah.

Markii ugu horeysay ee madashan waxay ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo xilligaas lagu qabanayey caalamka meelo ka mid ah labadii sanaba mar.

 

Related posts

Labo Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Qudus iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Maxay tahay digniinta ka soo baxday Maamulka Puntland ee shacabka loo jeediyey?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---