Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dalka isku filnaasho siyaasadeed iyo mid amni uu gaaray,, dowladda federaalkana ku filan tahay in ay ka shaqeyso wixii siyaasad ku saabsan, isagoo dhanka kale, carabka ku adkeeyay in aysan jirin sabab qasbi karta in uu sii jiro xafiis Qaramada Midoobay oo siyaasad ka shaqeeya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in 10-sanno ka dib, Dowladda Federaalka muhiimad u aragtay in dib u eegis lagu sameeyo shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
” 10-sanno ka hor oo ah markii xafiiskan Qaramada Midoobay la furaayay dalka hadda ma joogo, wuxuu joogaa meel uu isku filnaasho gaaray oo wax walba qabsan karo, taas waxay keentay marka in la sameeyo dib u eegis dhammaan Dowladnimadeynii kala qaarneyd oo qaar ka mid xafiisyo kale naga taalay ama amnigeynii kala qaarnaa oo qaar ka mid na loo hayay, Dowladda Soomaaliyeed uu hadda hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muhiimaddeedu waxay tahay in dalka isku filnaado oo uu qabsado shaqadiisa, sida hadda dhaqaalaha iskul filnaasho laga gaaray oo xaggii shidaalka iyo shirkado in la keeno la gaaray, xagga siyaasadda iyo amnigana laga gaaro oo dadka Soomaaliyeed shaqadoodii Dowladdooda u qabato oo gacamaha iyo xafiisyada kale ee ay taalo laga soo ceshado,
Sidoo kale, Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Aniga markaan xafiiska imid bishii lixaad waa la xusuustaa inaan warqad qornay oo aan leenahay xafiiska, waxaan rabnaa in xafiiskan la geliyo si tartiib tartiib ah in shaqadiisii lagu soo wareejiyo hay’adaha Dowladda Soomaaliya, asagana uu isku beddelo (UN country team) oo ah xafiisyada caadiga ah ee UNICEF, WHO iyo WFP, shaqadii caadiga ahyd, balse xafiiskaas siyaasadda u furan in shaqadiisa soo gebo-gabowdo oo siyaasadda Soomaaliya Dowladda Soomaaliya la wareegto,”.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay soo jeedintii Dowladda Federaalka ee ahayd in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo kala-guur ah la geliyo, muddadaas kala-guurka ahnala qiimeeyo, shaqooyinka ay qabtaana, sanadka kowaad lagu wareejiyo hay’adaha Dowladda si meesha uga sii wadaan.
Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Somalia iyo Itoobiya iyo hadal uu dhowaan jeediyey Abiy Ahmed raisul wasaaraha Itoobiya.
Fiqi ayaa sheegay in safaaradaha labada dal ay weli ka furan yihiin Muqdisho iyo Addis ababa, aysana xiriirka u jarin Itoobiya maadaama aysan qaadin talaabo ku aadan fulinta heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland kaasoo buu yiri ah khad cas oo hadii laga gudbi ay Soomaaliya qaadeyso talaabooyin culus.
Fiqi ayaa sheegay in hadalkii uu dhowaan jeediyey Abiy Ahmed ee ahaa ineysan xoog ku raadin doonin dhul badeed uu muujinayo inuu ka soo debcay mowqifkiisii hore ee ahaa iney xoog iyo xeelad ku raadin doonaan bad.
Inkastoo uu ka soo debcay mowqifkiisii hore haddana waxaa uu ku hadlay hadal uu jiilasha dambe ee Itoobiya colaad ugu sii abuuraayo oo ah “Hadii aan anagu keeni weyno bad, waxaa arrintaas xaqiijin doona caruurteena dambe”, waxaan leenahay anaguna caruurteena iyo jiilasha dalkan dhaxli doona ayaan u dardaarmeyna iney dalkooda difaacdaan” ayuu yiri Fiqi oo wareysi siinayey warbaahinta dowlada.