Nin ayaa la xiray kaasoo lagu soo oogay dacwad dil ah oo lala xiriirinayo toogasho ka dhacday waqooyi bari magalada Columbus ee dalka Mareykanka subaxnimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen.
Saraakiisha ayaa looga yeeray qeybta 3300 ee East 5th Avenue, oo u dhaw garoonka caalamiga ah ee John Glenn Columbus abbaare 5:50 am ka dib toogasho halkaas ka dhacday. Markii ay askartu yimaadeen, waxay heleen hal qof oo ka dhaawacan xabadka ayna ku taalo rasaas.
Dhibbanaha ayaa loo qaaday xarunta caafimaadka ee Grant isagoo xaaladdiisu liidato. Waxaa markii dambe la sheegay inuu u dhintay 6:21 subaxnimo dhawacii soo gaaray.
Inkastoo Boolisku aysan shaacin aqoonsiga ninla dilay iyo kan la dilay haddana warbaahinta Mareykanka ayaa qoraya in labafda ay yihiin Soomaali.
Qeybta Booliiska Columbus ayaa tuhmanaha ku sheegtay galabnimadii Axadda inuu yahay Cawil Maxamed oo 30 jir ah hase ahaayee weli ma shaacin magaca qofka la dilay.
Sida ku cad warqad dhaar ah, dembi-baarayaashu waxay wareysteen dhowr markhaati waxayna go’aamiyeen in dhibbanaha la dilay uu la dagaalamay Maxamed ka hor intaanay toogashadu dhicin.
Booliisku waxay sheegeen in Maxamed uu dhibanaha u qaaday goob kale toogashada ka dib, uuna isku dhiibay askarta iyadoon wax dhibaato ah dhicin.