Allbanaadir.com
NEWS

ATMIS oo shaacisay dhimasho ka dhalatay Madaafiicdii Xalane

Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa xalay soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareeyay Madaafiicda shalay Subax lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

ATMIS oo aan sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarka Madaafiicda ah ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay.

Al-Shabaab  ayaa sheegatay inay weerarkii Madaafiicda ee shalay subax ay ku qaadeen Xalane ay ku dileen Saddex Ajnabi Caddaan ah oo ka tirsan shaqaalaha UN-ka, halka 3 ka mida ciidamada Uganda ay dhaawaceen inkastoo aysan jirin cid xaqiijisay

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsaday weerarkan oo ah mid soo noqnoqday oo had iyo jeer lala beegdaso xeyndaabka Xalane oo hoy u ah safaarado, taliska ATMIS iyo heydaha QM.

Related posts

Wasiir caan ahaa oo ku dhax geeriyooday xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade

Qur’aanka Kariimka oo markii ugu horeesay lagu turjumay Luqadda Igbo (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Amaanka oo mar kale Baaq kasoo saaray Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---