Allbanaadir.com
NEWS

Shacab careysan oo weeraray Markab hub u geeyey Israel

Boqollaal dadweyne Turki ah oo careysan ayaa xoog ku galay dekedda Haydarpaşa ee magaalada Istanbul, kaddib markii ay soo baxday inuu dekedda ku soo xirtay markabka Jarmalka ee  MV Kathrin

Markabkab ayaa maalmo ka hor dekedda Alexandria ee dalka Masar geeyay 150 tan oo walxaha qarxa ah iyo hub la sheegay in loo waday Israa’iil, si ay ugu adeegsato dagaalka Gasa, inkastoo dawladda Masar ay diidday in markabkan uu shixnad u siday Israa’iil.

Dibadbaxayaasha Turkiga ayaa ku guuleystay inay markabka gaaraan iyagoo xoog uga gudbay ciidan booliis ah oo iskudayay inay celiyaan.

Waxay fuuleen dusha sare ee markabka iyagoo wata calanka Falastiin iyo kan Xamaas, kuna qeylinayay ereyo ka dhan ah maamulka Netanyahu.

Waa dhacdadaadii labaad tan iyo habeen hore oo dadweynaha Turkiga ay ku weerarrayaan maraakiib xiriir la leh Israa’iil.

Related posts

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo Xubno kale oo Xukun dil ah lagu riday (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Nabadoon Xasan Cali Muude oo la dilay iyo mid kamid ah raggii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

Musharaxiinta Puntland ee booqanaya degaanka Tukaraq oo amar culus lagu soo rogay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---