Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Hirshabelle ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa marka uu arkay qoddobka 62-aad, farqadiisa 1-aad ee xarafka (b) dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu go’aansaday inuu magacaabo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle” ayaa lagu yiri wareegtada
Xilkan ayaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Maxamed Muuse si uu isbeddel iyo dardargelin ugu sameeyo ciidamada daraawiishta.
Hirshabeelle ayaa dagaal xoogan kula jirta al shabaab oo weli ku sugan degaano kooban oo hoos taga Maamulkaas.
Hirshabelle Waxaa ka howlgala ciidamada Xoogga dalka iyo Macawisley, ciidamo Daraawiish ahna kama jiraan Hirshabelle, iyadoo talaabadan ay u muuqato in lagu aasaasayo ciidankaas.