Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo safar yaab leh ku tagaya dal ka tirsan Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 6 ilaa 7 bisha 11-aad ee sanadkaan dalka Jarmalka kaga qeyb geli doono shir caalami ah

Waxaa Shirkan looga hadlayaa arrimo badan oo ay ka mid yihin dhaqaalaha, waxaana safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta.

Wadamada kale ee Afrika, sida Marooko, Cameron, iyo Mallaawi waxaa uga qeyb galaya Wasiirro iyo lataliyaal oo min hal qof ah, waxayna warbaahinta shirkaan ku sheegtay, kulan “Heer Wasiir”

Waxyaabaha sida weyn loogu lafa guri doono shirkan ayaa waxaa ka mid ah dejinta qaabka saxda ah ee lagu furi karo ganacsiga iyo maalgashiga Afrika.

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Frankfurt ah ayaa loo arkaa mid aysan muhiim aheyn inuu ka qeyb galo madaxweyne Xassan Shiikh maadaama uu yahay shir heer Wasiir ah oo maqaam ahaan aan u dhigmin,

 

 

Related posts

Xamaas oo soo bandhigtay Video muujinaya saddex la heyste oo u dhashay Israel

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo qaatay Masuuliyadda Dil loo geestay Nadiiro Faysal Shire

Cabdi Cade

Khasaaraha ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii kordhay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---