Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Kenya oo qabtay ninkii dilay 3 haween Soomaali ah

Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin la tuhunsan yahay inuu dilay sadax haween Soomaaliyeed ee Nairobi lagu laayey dhowaan.

Ninkan oo magaca sharciga ugu qoran uu yahay Haashim Dhaqane Muxumed ayaa hadda lageeyey Xarunta Dambi-Baarista Kenya halkaasoo lagu weydiinayo su’aalo

Haashim waa Soomaali Taksiile ah oo la aaminsan yahay in uu shirqoolay gabdhihii sida arxanka daran loogu dilay Nairobi falkaasoo caro ka dhaliyey gudaha dalkaas gaar ahana Soomaalida.

Magaalada Nairobi waxaa lagu dilay 3 haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda maalintii 22kii bishii hore waxaana meydadkooda laga kala helay goobo kala duwan.

Dhacdadan ayaa gilgishay dalka Kenya gaar ahaan bulshada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Maydka dumarka oo ahaa hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga helay qaybo kamid ah dalka Kenya, iyadoo qaarkood la kufsaday ka dibna la jarjaray.

Hooyada ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Masuuliyiinta goobta lagu keydiyo meydadka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay, in meydadka uu ka muuqdo jir dil badan.

Qaar ka mid ah ehelada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay dalbadeen cadaalad iyo in arrintan baaritaan fiican lagu sameeyo si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay.

Max’ed Guuleed oo ka tirsan qaraabada gabdhaha la dilay ayaa sheegay in dhacdadani ay aad uga argagaxeen isagoo xusay in hooyada ay subaxii hore aaday isbataal ka dib-na la waayay.

“Maamada la dilay isbitaal ayay rabtay inay aado. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo ka dib dib dambe uma aysan soo hadlin meel ay jirto ayaa la wayay” ayuu yiri Guuleed.

Waxaa uu intaa ku daray in dhawr saacado kadib taleefanka haweeneyda laga soo wacay labada gabdhood oo ay mid dhashay mid kalana ay habaryar u ahayd oo guriga wada joogay, iyadoo loo sheegay in ay hooyadood ay taalo isbitaal, lagana codsaday in ay u yimaadaan.

Guuleed ayaa xusay in gabadhaha markii la soo wacay ka dib ay aadeen goobtii ay hooyada joogtay iyaga oo qaatay gaari, balse iyaga qudhooda dib dambe war loogama maqal, ilaa maydkooda la helay subaxii.

Waxaa uu sheegay in markii uu warka soo gaaray ay noqotay in meydadka oo meelo kala duwan laga helay ay soo uruuriyaan lana geeyo goobta meydadka lagu keydiyo.

“Saddexda qof-ba meydadkooda meelo kala duwan ayaa laga [soo helay], gabadha mid waxaa la dhigay Parkland,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in mid kalana meydkeeda laga soo helay Machakos oo banaanka ka ah Nairobi.

Mid ka mdi ah gabdhaha la dilay ayaa la sheegay in ay da’deeda ahayd 11 jir, waana gabadha ay dhashay haweeneyda la waayay markii hore.

Related posts

Booliska Somalia oo mar kale u digay shacabka degan xerada dab damiska

Caydiid Ali

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay Laascaanod

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah Idaacada BBC-da

Caydiid Ali
Taboola Ads ---