Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday taliyaal ciidan oo katirsan milatariga Soomasliya kuwa cusubna ku magacaabay.
Wareegtada Madaxweynsha ayaa lagu sheegay iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne isbeddal ku sameeyay Taliyaasha Ciidanka Dhulka ee CXDS iyo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee CXDS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS halka G/Dhexe Xassan Saalax Cabdi uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee CXDS.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliyaashii Hore ee Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Gaarka ah ee CXDS Kaga Mahadceliyay kuna bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen isagoona dhanka kale Madaxweyuhu kula dardaarmay Taliyaasha cusub gudashada Waajibaadka loo idmaday iyo dardargalinta dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada