Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta cusub ee ciidanka Dhulka oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb galay xarigjarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in qalabeynta ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.

Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale.

 

Related posts

Soomaaliya oo Shiinaha uga mahadcelisay taageero ay u muujisay

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Munaasabada xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota Muqdisho

Caydiid Ali

Wakiillo katirsan Beesha Caalamka oo tagay Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---