Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo howlgal afduub ah ka fuliyey Lubnaan

Ciidanka gaar ah oo ka tirsan militariga Israa’iil ayaa la sheegay inay maanta howlgal afduub ah ka fuliyeen magaalo xeebeedka Batroun ee waqooyiga dalka Lubnaan, iyagoo adeegsanaya dhinaca badda.

Waxaa la sheegay inay qafaasheen muwaadin u dhashay dalkaas oo warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay inuu yahay Imad Fadel Amahaz  oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xisbullah.

Howlgalkan ayaa noqonaya midkii u horreeyay ee noociisa ah oo ciidanka Israa’iil ay ka fuliyaan gudaha dhulka Lubnaan, iyadoo howlgalka ay xaqiijiyeen telefishinka Al-Jazeera oo ilo amni xiganaya iyo wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Ynetnews.

Ma jiro wax falcelin ah oo ka soo baxday dhinaca ururka Xisbullah oo looga hadlay haddii qofka la afduubay uu ka tirsan yahay ururka, sidoo kalena ma aysan diiddin wali dhacdadan.

Related posts

Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal Maraykanku ka naxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada Shacabka Falastiiniyiinta ee lagu laayay magaalada Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Salima Rhadia oo maanta taariikh cusub sameeneysa iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade