Allbanaadir.com
NEWS

Shariif oo qabtay Shir Jaraa’id, si kululna u weeraray Xassan Shiikh

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed oo galabta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo talaabadii labada aqal ee baarlamanku ay ku ansixiyeen dalabkii madaxweyne xassan shiikh ee ahaa in fasaxooda au dib u dhigaan muddo bil ah si loo horkeeno sharciga doorashooyinka.

Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadkii ku naf waayey dagaalo maanta ciidamo ka wada tirsan DF ku dhexmaray agagaarka Ex-kontrol Afgooye, isagoo arrin nasiib daro ah ku tilmaamay in ciidamadii shacabka ka difaaci lahaa cadowga ay dhexdooda dagaalamaan si loo baneeyo dhul dan guud ah oo shacab ay ku nool yihiin

Wiilka askariga ah ee shacabkiisa iyo qarankiisa ka difaacaya cadowga marka reerkiisa laga barakiciyo meesha ay ku nool yihiin isagoo furunta jira, loona soo diro mid kale oo ay aheyd iney isgarabsadaan waxaa ka dhalan kara waa la garan karaa” ayuu yiri Shariif Shiikh

Madaxweynihii hore ayaa isweydiiyey dhulalka ay DF baneysay sanadihii la soo dhaafay hal dhul oo dan guud lagu fuliyey ama laga dhisay isbitaal ama Wasaarad

“Wasiir Hotel qol ka dagan ayaa lagu qasbaa inuu Warqad qoro si Wiil Furinta jooga qoyskiisa dhulkii ay daganaayeen dan gaar ah looga barakiciyo oo mid wax heysta la siiyo” ayuu yiri Shariif.

Shariif ayaa dhinaca kale wax lala yaabo ku sifeeyey talaabadii uu baarlamanka DF ku ansixiyey dalabkii madaxweynaha ee ahaa iney muddo bil ah fasaxooda dibn u dhigaan si ay u ansixiyaan sharciga doorashooyinka.

Waxaa uu  sheegay in Madaxweynuhu ku hadaaqayo doorasho dadweyne iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah maamulada xubnaha ka ah DF “Qolo sharciga ku tumaneysa oo dalka dhinac walba ka boobaya ma qaban karaan doorasho qof iyo cod” ayuu yiri Shariif.

Wadajirka ummadda iyo wada-socodkeeda ayaa muhiim ah waxaana rabnaa inay tallada miiska soo dhigaan oo u soo laabtaan dariiqa saxda ah.

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARIIFKA

 

Related posts

Somalia oo lacag lagu yeeshay awgeed ku weyn doonta cod heer caalami ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh oo afur wadareed ku casuumay Guterres & Diblomaasiyiin kale

Caydiid Ali

Taliyihii Sirdoonka ciidamada Kacaanka Iran oo shaqada laga eryey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---