Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka socdaan Mashaariicyo Horumarineed oo lagu dhisaayo Kaabayaasha waddooyinka laamiga ah iyo kuwo xaafadaha ee Interlock-ga.
Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan iyo Injineerada gacanta ku haaya dhismaha Waddada dheer ee Laamiga xiriiriya Degmooyinka Kaaraan, Gubadleey illaa iyo Ceelcade ee gasha Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhismaha waddadaan, asigoona ku booriyay habsami u socodkata dhismaha waddadaan oo meel wanaagsan maraya.
Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale kormeeray waddada dheer ee isku xirta Isgoyska Towfiiq iyo miisaanka Dhuxusha, waxa uuna halkaasi kula kulmay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo qaar ka mid ah guddiga odayaasha dib-u-dhiska waddada, asigoo kaga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixiyeen dhismaha waddadaan oo mar dhaw la xarig jari doonno.
Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu kormeeray waddada Via Mosko ee xiriirisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, taasi oo lagu bilaabay dhismaha qeybta ay bulshada maraan (Marshibiyeediyaha), waxa uuna faray Madaxda Degmooyinka iyo shirkada wada dhismaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhismaha Laamiga, maadaama waddadaan ay muhiim u tahay isku socodka Bulshada iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho.