Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Xisbullah ay ogolaatay xabad joojin?

Shabakadda Al-Jazeera ayaa ka soo xigatay ilo ku dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka Lubnaan, Nabih Berri inuu magaalada Beirut kula gaaray ergayga Mareykanka ee bariga dhexe, Amos Hockstein,  heshiis lagu dhaqan gelinayo 60 maalmood gudahood oo lagu joojinayo duulaanka Israa’iil ee Lubnaan iyo weerarrada Xisbullah ay ka geysanayso gudaha Israa’iil.

Heshiiska waxaa ka mid ah; xabbad-joojin dhammaystiran oo u dhaxeysa Lubnaan iyo Israa’iil, iyo ka bixitaanka Xisbullah ee waqooyiga wabiga Litani, marka la dhaqangeliyo qodobbadan.

Waxaa la guda galayaa wada xaajood tooska oo u dhexeeya Xisbullah  iyo Israa’iil iyo in dib loo soo nooleeyo khadka buluuga ah.

Guddoomiyaha Baarlamanka Lubnaan, Nabih Berri wuxuu ku matalayaa awood qeybsiga siyaasadda Lubnaan bulshada Shiicada, taasoo ka dhiganay go’aanadiisa inay Xisbullah wax ku leedahay , wallow illaa hadda aysan wax hadal ah oo la xiriira heshiiskan ka soo bixin Xisbullah.

Related posts

(Sawirro) Midowga Yurub oo bogaadiyey talaabo ay qaaday dowlada Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo mar kale qarka u saaran iney qabsadaan Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Xildhibaanno ka qeyb-galay furitaanka Kulan Cafe ee Magaalada Nairobi+Sawiro

admin
Taboola Ads ---