Allbanaadir.com
NEWS

Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Ceel-Macaan ayaa dhageystay baahida dadka deegaankaasi qabaan.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa ahaa inuu soo sahmiyo halka laga hirgelinayo Dekad  cusub oo hab casrinah loo dhisayo oo ay yeelato dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale  Garoon diyaaraddeed ayaa lagu wadaa isna in laga hirgeliyo inta u dhaxeyso deegaanka Ceel-Macaan iyo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan olole weyn u qaadi laheyn Dekad iyo Garoon diyaaraddeed oo ay yeelato Hirshabeelle waana jidka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo-sooran iyo isku-filnaasho.”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Waxbarrashada iyo Caafimaadka inay tagaan oo ay la kulmaan dadka Ceel-Macaan si wax looga qabto arrimaha ay kala hadleen Madaxweynaha.

 

 

Related posts

Ciidanka DF & dadka degaanka oo saaka Al-shabaab ku weraray degaanka Max’ed Xassan

Caydiid Ali

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo tacsi murugo leh u diray dowlada iyo shacabka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---