War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada labada Aqal ku matala Jubbaland ayey si buuxda u taageereen mowqifka Jubaland ay ka qaadatay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.
Xildhibaannada ayaa War-saxaafadeedka ay soo saareen ku shaaciyay in ay taageerayaan go’aanka Madaxweyne Axmed Madoobe ku gaaray in uu qabto doorashada maamulkiisa, si aysan firaaq dastuuri ah u dhicin.