Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay codsi uu u jeediyay Madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta hor tagay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday xildhibaannada labada Aqal in muddo hal bil dib u dhigaan fasaxooda , si ay u qabtaan shaqooyin muhiim ah.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay xaalada dalka iyo tan gobolka, waxaana uu ku eedeeyay Itoobiya inay weerar ku tahay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada labada Aqal ka codsaday  in muddo bil dib u dhigaan fasaxooda caadiga ahaa,  si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod oo loo gudbinayo xildhibaannada labada Aqal.

“Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu yiri Madaxweynaha.

Codsiga Madaxweynaha kaddib ayey xildhibaannada labada Aqal cod u qaadeen , waxa ayna xildhibaannada si aqlabiyad leh u ansixiyeen codsiga Madaxweynaha ee ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, si muddadaas lagu ansixiyo shuruucdii dalka ku hoggaamin laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid cusub oo laga dhax dhisay Xarunta NISA iyo Kheyre oo xariga ka jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo cadeysay sababaha dalka looga ceyriyey safiirka Itoobiya

Caydiid Ali

Maraykanka oo taageeray Mowqifka uu Midowga Afrika ka qaatay muddo kororsiga DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---