Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsanaa Villa Soomaaliya oo Shaaciyay in uu is casilay

Agaasimihii warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabduqaadir Cali Dige , ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu hayay, waxa uuna sheegay in sababaha uu isku casilay qeyb ka tahay hagardaamooyin kala duwan uu la kulmay.

Sida aan xogo hoose ku helnay is casilaada agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa salka ku heysa khilaaf kala dhaxeeya masuuliyiin kale oo katirsan agaasinka Madaxtooyada, waxaana marar badan lagu guul dareestay in khilaafkaasi la xaliyo.

”Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa: ololihii dib u doorashadiisa iyo muddo xileedkii labaad ee la doortay” ayuu yiri Mr Dige.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo soo saaray bayaan wadajir ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada oo Cadaalad daro weyn ku sameesay Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle !!

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay isfaham la’aanta dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---