Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayey Suldaan Saciid Axmed oo dowladda Finland u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Finland iyo xaaladaha guud ee geeska Afrika, gaar ahaan xadgudubka iyo faragalinta Itoobiya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Ergayga la wadaagay mowqifka cad ee Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arirmaha Geeska Afrika mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudoonsiiyey dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Dalka Finland.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dalalka caalamka hordhigtay gardarada dowladda Itoobiya wado iyo damaceeda ku aadan in ay hesho bad ee Soomaali leedahay, waxaana dowladda Soomaaliya taageero ka heshay dalal badan oo Itoobiya ku cambaareeyay gardarada ay wado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com