Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf sagootin ah Magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah dalka ku ku joogay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan ( Madoobe ) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u hayaan abaal aad u weyn oo aan marnaba la iloobi karin.
“ Walaalaheena Jamhuuriyadda Jabuuti waxaan u heynaa abaal aad u weyn oo aan marnaba aynan iloobi hadii aynu dadka Soomaalyeed Shacab iyo dowlladba,markii dalkeenu uu burburka galay waxay jabuuti inoo gashay abaal walaaltinimo oo sabab u noqotay dib u yagleelida dowladnimadeena,walaalkey Guddoomiye Dileita iyo wafdigiisa waxaan leeyahay kusoo dhowaada Soomaaliya marti kuma tihiin ee waxaad joogtaan wadankiina labaad guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan imaanshihiina,waxaana rajeynayaa in marar badan soo booqataan wadankiina lanaad” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Xafladda casho sharaf ee uu Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) u sameeyay wafdiga walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka qeyb galay ,Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim,Ra’isulwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) , Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,fanaaniinta Qaranka ee Hobolada waaberi,kooxda Deegaan iyo sidoo kale marti sharaf kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com