Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.
Kulanka waxa diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Booqashada Agaasimaha CIA ku yimid Muqdisho ayaa aheyd mid muujineysay ahmiyadda gaarka ah ee Mareykanka uu siinayo arrimaha Soomaaliya, taasoo aheyd markii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado muddo sanad gudihiis.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com