Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo bilaabay Dhoolotus dagaal uu Shiinaha ku cabsi galinayo

Wargeyska New York Times, ayaa ku warramay inay ciidanka Mareykanka billaabeen dhoolatuska ay isugu diyaarinayaan dagaal weyn oo mustaqbalka ay la geli karaan Shiinaha oo taageerro ka heli kara xulafadiisa Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Dhoolatuska ayaa ka bilowday Hawaii, halkaa oo la geynayo kumannaan ciidan ah oo ay weheliyaan nooc kasta oo hub uu heysto Mareykanka , kuwaasoo loo diyaarinayo, lana siinayo istiraatijiyada ay kula dagaallamaan Shiinaha.

Mareykanka ayaa dhlootuskan ku soo bandhigayo isbeddel uu ka sameeyay istiraatijiyada dagaal ee ciidankiisa, waxaana loo diyaarinaya inay ka dhuuman karaan dayax-gacmeedyada Shiinaha , waxaa kalo ciidanka Mareykanka ay helayaan tababar la xiriira waxyaabihii khubarada Mareykanka ay ka soo aruuriyeen habka dagaal ee uu ku dhaqmayo Ruushka oo ciidankiisa ay ka dagaallamayaan gudaha Ukraine

Dagaal dhexmara Mareykanka iyo Shiinaha , wuxuu noqon karaa dagaal weyne gaara dunidda oo dhan, sababtoo ah labadan quwadood waxay adeegsan doonaan dagaal dhul, bad iyo cir ah oo jihooyin badan leh. Muddo dheer oo Mareykanka uu ciidankiisa geynayay bariga dhexe iyo qeybo kale oo Aasiya ah , hadda waxay u muuqataa inay jirto istiraatijiyad iyo habab dagaal oo Mareykanka uu ka arkay Ruushka oo ku qasbaysa inuu wax ka beddelo habka dagaal ee ciidankiisa , sida laga arkay warbixinta wargeyska New York Times oo wariyayaal ka socda ay ku sugan yihiin Hawaii , si ay goobjoog uga noqdaan dhoolatuska istiraatijiga ah.

Warbixintan ayaa sidoo kale ina siinaysa fikrada inay jirto ujeeddooyin kale oo Mareykanka uu ka leeyahay dhaqaalaha badan ee uu ku taageerrayo dagaalka Ukraine , taa oo ah in la arko habka dagaal ee Ruushka oo ay gacan siinayaan Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi , waxaana baranayna dagaallada dunidda in loo dhaliyo si ay loo arko habka dagaal ee dhinacyada iska soo horjeeda, xilli dhawaan laga maqlay Kuuriyada Koonfureed inay xubno sirdoonka iyo khubarada istiraatijiyada dagaalka u dirayaan Ukraine si ay u daraaseeyaan habka ay u dagaallamayaan ciidan la sheegay Kuuriyada Waqooyi inay ka socdaan oo ka qeybqaadanaya dagaalka uu Ruushka ka wado Ukraine

W/T Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismayaal kuyaala Muqdisho oo saakay la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gabar kale oo lagu la’yahay Gaalkacyo & baadi goob xooggan oo socda

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya Saldhig Milatari oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---