Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil Mareykan ah oo tagay xarunta Taliska Ilaaladaha Xeebaha Muqdisho (Sawirro)

Saraakiil ciidan oo ka socotay dowladda Mareykanka oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen xarunta taliska ilaalada xeebaha ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Xarunta ciidanka ilaalada xeebaha waxaa kusoo dhaweeyay  saraakishan ka socotay dowladda Mareyklanka  taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed G/Sare Bashiir Cabdiqaasim iyo saraakiil kale.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada xeebaha Booliiska Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka jooga saraakiil ciidan, kuwaa oo tababaro iyo taageero dhinacyo kala duwan leh siiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arimo Xasaasi ah uga hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska oo ka hadlay howlgalkii burburinta ee xaafada Dabdamiska

Cabdi Cade

Maamulkii magaalada Baydhabo oo xilka laga qaaday iyo Maamul cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---