Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa Raisulwasaare Mudane Xamze Cabdi Bare waxey xukuumadda Soomaaliya hogaanka u qabteen 15 May, 2022, wuxuuna mudo xileedkoodu ku dhamaanayaa 15 May, 2026, waxaana mudada u harsan laga sugayaa balanqaadyadoodii faraha badnaa iney soo dhameystiraan ka hor dhamaadka mudo xileedkooda, iyagoo aan cidna ku maslaxeyneyn gudashada waajibaadka siyaasadahooda loogu soo doortay iney la yimaadaan wax ka qabadkooda.
Imtixaanka saaran madaxda sare ee dalka ayaa waajib shacabka uga dhigaya iney dhowraan sida ay wax uga qabtaan meelmarinta balanqaadyada lagu soo doortay waxqabadkooda oo inta ay gudanayaan xilka ka saran waajibaadkooda ay haboon tahay iney ku garab istaagaan ku dhiirogelinta dadaalada ay ku hormarinayaan wax ka qabashada uga wanaagsan hawlaha horyaala, balse haddii aysan taas awoodin waxaa lagama maarmaan ku ah shacabka ineysan waxtar la’aantooda aysan ugu darin waxyeelo xanibta horumarka dalka ama niyad jebisa tilaabooyinka horay loogu socodsiinayo horumarinta maamulka dowladda.
Madaxweynaha iyo raisulwasaarihiisa waxaa laga sugayaa iney fulinta waajibaadkii loo doortay meelmarintooda ay ku qanciyaan xildhibaanada baarlamaanka, iyagoo horkeenaya mariinkii sharci ahaan ay ku meelmarin lahayeen gaarista yoolalka mudeysan oo ay ugu dhaqaaqayaan wax ka qabashadooda inta ka dhiman mudo xileedkooda, waxaana liibaan u ah marka ay ku guuleystaan iney ku qanciyaan xildhibaanada iney ansixiyaan sharciyada hagaya meelmarinta tilaabooyinka ay u qaadayaan fulinta maandeytka loo igmaday, taas oo meesha ka saareysa baahi loogu qabo cid kale oo aqoonsiga ogolaanshaheeda loogu dabranaanayo sharci ahaan.
Waxaa si niyadsamiya loo bogaadinayaa in madaxda sare ee dowladda aysan marna sameyn in waxqabadkooda ay ku soo aadiyaan inuu yimaado dhamaadka mudo xileedkooda si ay qiil ugu raadsadaan mudo kordhin aan sharci ahayn, waxeyna taas haddii ay dhacdo ay u muuqaneysaa guuldaro ay madaxdu ku qarineyso fashilkooda siyaasadeed, taas oo ka turjumaysa in wixii ay qaban waayeen wakhtigii ugu horeeyey mudo xileedka ay adag tahay iney qabtaan dhamaadka mudo xileedkooda, balse haddii ay suurtogal noqoto in hawlaha horay loo bilaabo, iney farsamo ahaan suurtogal noqon karto mudo kordhin kooban oo lagu soo dhameystiro farsamooyinka dhiman.
Siyaasiyiinta mucaaradsan madaxda dowladda waxaa la gudboon intii ay fashilin lahayeen waxqabadka dalka lagu hormarinayo, ineysan bartilmaameydsan tilaabooyinka lagu hiigsanayo meelmarinta ay ku gudanayaan madaxdaas waajibaadka ay u xilsaaran yihiin oo ah in xilalka loo doortay iney mudo xileedkooda ku soo afjaraan dhameystirka balanqaadyadii lagu soo doortay fulintooda, iyagoo aan cidna eedsaneyn, balse ay taas bedelkeed ay siyaasiyiinta mucaaradku bartilmaameeydsadaan guuldarada ay ku fashilmaan madaxdaas iney meelmerin waayaan hawlihii loo ogolaaday iney fuliyaan.
Waxeysan siyaasiyiinta mucaaradka aysan mudneyn oo aysan xaqa u lahayn iney u hanjabaan madaxda sare ee dowladda oo ay isku haystaan kala duwanaansho fikradeed, waxeyna masuuliyiintaas gadoodsan ay mudan yihiin iney ka fogaadaan cagajugleyntoodu salka ku hayso dhinaca amniga iney qalqal gelinayaan, taas oo ay suurtogal noqon karto iney ka dhashaan isku dhacyo hubeysan iyo fowdo sabab u noqta boob iyo bililiqo loo geysta hantida dowladda iyo kuwa shacabka, iyadoo dhacdadaas aysan cidna faa’iido ka macaashi doonin.
Haddalada aan munaasabka ku ahayn siyaasiyiinta rayidka ah oo salka ku haya handadaada ay ku caanka baxeen habdhaqankii looga bartay dagaal-oogeyaasha, ayaa ah kuwo waxyeeleynaya sumcadooda inta ay isleeyihiin cabsi gelin iyo kicin ku dhabarjebiya suurad xumeynta madaxda ay isku haysataan tartanka loogu jiro kursiga ugu sareeya dalka, waxaana xaqiiqa waxyeelada ka dhalata tilaabooyinka ka dhasha ishortaaga madaxda oo aan raacsaneyn sharciga in masuuliyadeeda aysan keli ku noqoneyn madaxda ay fashilinayaan, balse ay eeda qeybtooda ku yeelanayaan, maxaa yeelay hanjabaada madaxda waa hanjabaad ku socota shacabka maslaxadooda dowladnimo.
Mucaaradka waxaa ku haboon iney siyaasadahooda ka ilaaliyaan naceybka qofeed oo ay kula jiraan siyaasiyiinta ay ka soo horjeedaan fikradooda iyo habdhaqankooda siyaasadeed oo saameynaya hogaaminta maamulka dowladda, iyo iney dagaalkooda ku jiheeyaan shaqsiyadda ama dhaleeceynta dadaalada lagu hormarinayo wanaaga guud ee maslaxada dadka iyo dalka, iyagoo taas bedelkeeda looga baahan yahay ineysan mucaaradnimadooda ku cabirin aragtiyo ka turjumaya naceybka fikradeed oo ay u qabaan madaxda ka shaqeyneysa hogaaminta dalka.
Waxaan shaki lahayn haddii ay dulqaad sameeyaan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay adeegsadaan xeelada ku dhisan degenaansho wax ku eegida, taas oo ah “sug oo dhowr sida ay wax u dhacaan”, iney u suurtoobeyso marka ay u soo dhamaato mudo xileedka madaxda sare ee dowladda iney dhab ahaan u helayaan fursado qaaliya oo ay ku soo bandhigi karaan waxyaabo badan oo ay madaxdaas ka gaabiyeen waqabadkooda, waxeyna sidoo kale ay wakhtigaas ku haboon ay shacabka u muujin karaan wixii guuldaraa oo ay madaxda xilka haysa kala kulmeen mudo xileedkooda, tusaalooyinkaas oo ay weliba shacabka uga kasban karaan iney uga helaan taageero baaxad weyn.
Siyaasiyiinta dhiifoon waxaa u muuqata in madaxda sare ee xilka dowladda haysa iney gacmahooda isku tooganayaan haddii la siiyo fursado ay wakhtigooda ku dhameystaan arbushid la’aan, maxaa yeelay waxey wakhti gaaban oo mudo xileedkoodu gabaabsi yahay ay isku fureen iney qabanayaan waxyaabo badan oo ay qaban waayeen wakhtiga ugu horeeyey mudo xileedkooda, waxaana ku filan in la dhowro oo la sugo waxa ay ku dambeeyaan tilaabooyinka ay qaadayaan oo dhamaantood ay hubaal yihiin iney ku wada dhamaanayaan inaan midna si milgo leh aan loo dhameystirin.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com