Allbanaadir.com
NEWS

Markab shixnad milateri u wada israel oo ku xirtay Masar

Masar ayaa beenisay inay gacan ka gaysatay hawlgallada milatari ee Israa’iil ka dib markii ay warbaahintu sheegtay in dekedda Masar uu ku xirtay markab shixnad walxaha qarxa ah oo loo waday Israel.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Masar waxa ay si cad u beeniyeen waxa lagu faafiyay baraha bulshada iyo waxa lagu dacaayadeynayo in ay Israa’iil ka caawiyaan howlgalladeeda milatari” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidanka Masar.

Qareenada xuquuqul insaanka ayaa Arbacadii gudbiyay racfaan maxkamad ku taal Berlin oo ay ku doonayaan in ay joojiyaan shixnadda 150-metric ton ee walxaha qarxa ee saaran markabka Jarmalka ee MV Kathrin, kaasoo ay ku sheegeen in uu lahaa qandaraaslaha difaaca ugu weyn Israel, Elbit Systems.

Xogta LSEG iyo mareegta la socodka markabka Marine Traffic ayaa muujisay markabka MV Kathrin oo ku soo xirtay dekedda Masar ee Alexandria Isniintii.

Wasaaradda gaadiidka Masar ayaa goor dambe oo Khamiistii ah sheegtay in markabka uu ku soo xirtay Alexandria si uu u dejiyo shixnad u rarneyd wasaaradda wax soo saarka milateriga Masar.

Xarunta Taageerada Sharciga Yurub ayaa ku dooday in walxaha qarxa loo isticmaali karo dagaalka Israel ee Gaza, oo laga yaabo inay gacan ka geysato dambiyada dagaal ee lagu eedeeyay Israel.

Markabka walxaha qarxa oo u socday Israel, MV Kathrin ayaa loo diiday inuu ka soo galo dhowr dekadood oo Afrikaan ah iyo kuwa ku yaalla badda Mediterranean, oo ay ku jiraan Angola, Slovenia, Montenegro iyo Malta, sida ay sheegtay ELSC.

Waxa ay sheegtay in maamulka Bortuqiisku ay dhawaan ka dalbadeen markabka in uu ka beddelo calanka Bortuqiisku una beddelo calanka Jarmalka ka hor inta aanu sii wadan safarkiisa

Jarmalku waxa uu sheegay in shixnadda aan laga rarin lagana soo dirin dhulkeeda sidaas awgeedna aanu u baahnayn shatiga dhoofinta.

 

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: “Ujeedka Farmaajo ee wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo”

Caydiid Ali

Dukumiintiyo ay leeyihiin dad Soomaali ah oo laga helay Doon ku caarisay Israa’iil

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay saameynta Qaraxyada ku yeesheen Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---