Shabakadda CNN ayaa ka soo xigatay ila sare oo ka tirsan Iran inay isku diyaarinayaan weerar culus oo ay ku qaadayaan Israa’iil, oo noqonaya ‘jawaab dhab ah oo xannuun leh’ si ay uga aargoostaan weerarkii Israa’iil ay Sabtidii toddobaadkan ka geysatay gudaha Iran , iyadoo la sheegay jawaabta Iran inay dhici karto ka hor doorashada Mareykanka ee 5 bisha November.
Golaha wasiirada Iran ayaa la sheegay inuu isku raacay in laga aargoosto weerarkii Israel ku qaaday Isran.
Shabakadda Axios oo xiganaysa ilo sirdoon oo ka tirsan Israa’iil , waxaa ay sheegtay inay Iran diyaarinayso qorshe ay weerarro uga soo qaadayso Israa’iil gudaha dhulka Ciraaq, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ballistic-ga ah.
Ciraaq ayaa lagu warramaya inay ka carootaty tallaabadii ay Israa’iil u adeegsatay hawadeeda inta uu socday weerarkii ay Israa’iil ka geysatay gudaha Iran
Haddii ay dhacdo inay Iran keento gudaha dhulka Ciraaq gantaallada ballistic-ga iyo hypersonic, markaa waxaa lagu sheegay inay Israa’iil la kulmi karto khasaarihii ugu sarreeyay taariikhda, sababo la xiriira masaafada dhow iyo inay si dhaqso ah bartilmaameedyadooda u gaari karaan gantaalladan, iyadoo saraakiisha Iran aya ballanqaadeen weerarka ay uga jawaabayaan duqeymihii Israa’iil ay ka geysatay gudaha Iran inay noqon doonaan ‘jawaab adag oo xannuun badan’.