Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo la soo baxay xeelad uu ku helayo codad badan

Trump ayaa u soo jeedinaya Lubnaanida ku nool Mareykanka inay isaga u codeeyaan si bariga dhexe iyo Lubnaan ugu soo celiyo xasilloonida.

Hadda Trump ayaa colaadda bariga dhexe u adeegsanaya hab olole oo uu ku ballan qaadayo si dhaqso ah inuu xasilloonida ugu soo celinayo.

Trump waxaa jirta xiriir qoys oo uu la leeyahay Lubnaanida, gabadhiisa Tiffany waxaa qaba nin dhallinyaro ah oo ka jeeda qoys Lubnaani oo ganacsato ah.

Wuxuu leeyahay Trump , dabeecad uu siyaasadiisa door ku siiyo ragga qaba gabdhihiisa, waxaa ololihiisa door weyn ka qaadanaya Massad Boulos oo ah ganacsade u dhashay Lubnaan oo u guuray Texas isaga oo dhallinyaro ah, ku hadla Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis.

Wuxuu aabe u yahay ninka qaba gabadha Trump isagoo qaabilsan ololaha Carabta- Mareykanka ah wuxuu  ku qancinayaa bulshada Carabta sidii ay ugu codeyn lahaayeen Trump, halkii ay codkooda siin lahaayeen Harris, wuxuu u muuqda dadaalkaa mid natiijo lagu gaaray, kaddib markii la arkay gobolka muhiimka ah ee Michigan oo ay Carabtu ku badanyihiin inuu hadda taageerro ka helayo Trump

 

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo balanqaad taageero ah ka helay danjire Sebastian Groth

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe iyo Xasan Kheyre oo Muqdisho kulan ku yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali