Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo maanta oo Khamiis ah la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado.
Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taa bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helyso aqoonsi.
Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto marin badeedka.
“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed.
Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri, ay caruurtoodu gaari doonto.
Wuxuu si cad u sheegay in Somaliland ay aqoonsanayaan ayna ku bedelanayaan bad kiro ah muddo 50 sanno, isagoo sheegay inay doonayeen muddo 99 sanno ah in laga kireeyo ama ka badan balse Somaliland oo diiday awgeed ay Isla qaateen in 50 sanno laga kireeyo Marin ay ka gaaraan Badda cas.
Wuxuu sheegay in Itoobiya shacabkeeda ka mid yihiin Dad badan oo Soomaali ah oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Soomaalida marka laga yimaado dalka Soomaliya.
Wuxuu sheegay in Itoobiya aanay marnaba wadin qorshe lidi ku ah dalka Soomaaliya oo ay Soomaalida yihiin walaalahood.
Wuxuu mid mid u tiriyay wixii Itoobiya ay u qabatay Soomaaliya ee garab istaag iyo taakulaynba ah iyo dagaalada Dublamasiyadeed ee Soomaliya ku qaaday Itoobiya ka dib markii isfahamka Somaliland iyo Itoobiya la kala saxiixday.
Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.
Waxay erisay safiirkii Itoobiya bishii April, Talaadadiina waxay ku amartay Ali Mohamed Adan, oo ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Muqdisho inuu dalka ka baxo.
Soomaaliya waxaa kale oo ay horey u sheegtay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee nabad Ilaalinta Midowga Africa ee bedelaya ATMIS.