Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Dileyte oo codsi hor dhigay dhigiisa Cabdi Xaashi (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta qado sharaf u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Dileita Mohamed Dileita.

Munaasabadda qado sharafta oo ka dhacday xarunta Golaha Aqalka Sare, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen Guddoomiya Cabdi Xaashi iyo dhiggiisa Dileita, waxay si gaar ah uga hadleen xiriirka qotadadheer ee walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo salaan gacaltooyo ku soo dhoweeyay weftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, ayaa sheegay in farxad gaar ah ay u tahay booqadashada wefiga ay ku yimaadeen dalkeenna, wuxuuna xusay in labada dal ay yihiin walaalo aan kala maarmin oo ul iyo diirkeed ah, ismarkaana wax kastana ay iska kaashanayaan dhib iyo dheefba.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileita Mohamed Dileita ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay, isagoona sheegay inuu adkeeynayo xoojinta xiirrika labada Baarlamaan iyo isku duubnida labada shacab ee walaala ah, wuxuuna guddoomiyaha u soo gudbiyey codsi ku saabsan in uu Jabuuti ugu yimaado booqasho rasmi ah.

Ugu danbayn labada Guddoomiye ayaa is dhaafsaday Billad sharaf iyo hadiyado kale oo muhiim ahaa kana tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka labada dal ee walaalaha ah, waxaana kulanka maanta goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Related posts

Maraykanka oo qaadaya talaabo sii xumeyneysa xiisada kala dhexeysa Shiinaha

Caydiid Ali

Israel oo waaberigii saaka Gantaalo ku weerartay Magalada Dimishiq (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo faahfaahiyey tirada ajaaniibta & Soomalida lagu dilay weerarkii Kismaayo

Caydiid Ali