Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Global Privacy Assembly

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly) oo jiray ilaa 1978’dii.

Soomaaliya ayaa xubinnimadeeda lagu ansixiyay Meertada 46-aad ee Golaha oo ka socda Jasiiradda Jersey ee Boqotooyada Ingiriiska kaasoo ay ka qaybgalayso Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya.

Golaha oo la aasaasay 1978’dii ayaa ah fagaaraha ugu wayn ee dowladaha dunidu uga doodaan kuna dejiyaan qaraarrada iyo sharciyada lagu maareeyo arrimaha xogta iyo tiknoolojiyadda

Waxaa xubin ka ah in ka badan 130 dowladood iyo shirkadaha ugu wawayn ee tiknoolojiyadda sida Google, Facebook, X, Amazon, Apple, iyo TikTok.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 (𝐑𝐨𝐲𝐚𝐥) Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (Data Protection Authority) ayaa sheegay iney talaabadan ay sharaf u tahay Soomaaliya iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasoo ah in maanta oo Khamiis ah 31 bisha October 2024 in Soomaaliya si buuxda xubin uga noqotay Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly GPA) oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 130 dal kuwaasoo hadda u codeeyey xubinimada Soomaaliya shirka ka socda Jersey, UK

“Taas macnaheedu wuxuu yahay in Soomaaliya awood leedahay hadda kadib iney ganaaxdo, dacweyn karto magdhaw iyo xuquuqna ku leedahay shirkadaha Technologyadda gaar ahaan kuwa Baraha Bulshada sida Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan xad gudubyo ay ka midyihiin jabsashada akoonadooda, faafinta xogtooda xasaasiga ah, muuqaallada ka hor imanaya qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Royal

 

Related posts

Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Immisa Laaluush ayuu Kenya Ugu Kici Doonaa Kursiga Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay?

Cabdi Cade

Meydka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo goordhaw laga soo dejiyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade