Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo soo xiray Shirweyne ka socday Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay,

Shirweynahan ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay aalado casri ah oo ay hal abuureen dhallinyaro Soomaaliyeed, caqabadaha ku hor gudban dhallinyarada iyo fursadaha u baahan in looga faa’iideeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa Dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

Shirweynahan ayaa sannad kasta lagu qabtaa magaalada Muqdisho, waxaana inta uu socdo lagu soo bandhigaa horumarada ay sameeyaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha adag ee hortaagan dhallinyarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilaalada Gaarka ah ee Ra’isul Wasaare Kheyre oo la geeyay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Ciro & danjiraha Turkiga ee Somalia?

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Furitaanka Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda iyo Heshiisyo la saxiixay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---