Gudoomiyaha gobolka Osun ee kuyala Koonfur Galbeed dalka Nageria ayaa shaaca ka qaaday in mudo sideed sano ah uu ahaa Gudoomiyaha gobolka uusan wax mushaar ah ka qaadan dowlada.
Rauf Aregbesola oo dhawaan ka degaya xilka Gudoomiyaha gobolka oo fagaare kula hadlayay dadweyne badan ayaa sheegay in uusan wax mushaar ah ka qaadan dowlada intii uu xilka hayay sidoo kale uusan hanti badan ka tacban xilka uu hayay.
“Guri, gaari, Shidaaal, caafimaad iyo kharashaadkeyga oo dhan haddii ay dowladda i siisay waxaaba khalad ah inaan mushaar ka qaato dowlada oon lacag u baahdo” Ayuu yiri Rauf Aregbesola.
Hadalka Gudoomiyaha gobolka Osun ayaa si weyn loogu faaqiday baraha bulshada, waxa ayna dadka qaar hadalka Gudoomiyaha ku tilmaameen mid aan suurto gal aheyn halka dadka qaarna ku tilmaameen been abuur.
Rauf Aregbesola ayaa sheegay in hanti dhan uu ka heesto hal guri uu dhistay intii uu gudoomiyaha ahaa, waxa uuna sheegay in uusan xilka u qaban in uu mushaar ama hanti badan ku helo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com