Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaano oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta booqday taliska guud ee ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Cali Guudlaawe booqashada uu ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliiska waxaa ku wehliyay  Wasiirka Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene.

Ugu horreyn Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha Booliiska  oo ku aadan horumarrada iyo guullaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sida ay ugu taagan yihiin xaqiijinta nabadgalyada.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maamulka Hirshabeelle ku boogaadiyay sida ay uga go’an tahay ciribtirka Al Shabaab, waxa uuna ballaqaaday in ciidanka Booliiska Hirshabelle dhinacyo badan ka taageeri doonaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa uga mahadceliyay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya sida uu ugu soo dhaweeyay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talaalka Cudurka Covid-19 oo goordhaw laga soo gaarsiiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Ciidanka Afghanistan & Taliban oo iyagoo faraxsan laabta isgelinaya (Xabad joojin yaab leh)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo Somalia ka fulinaya Mashruucii ugu weynaa muddo 30 sano ah

Caydiid Ali