Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Qeycad

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyaan deegaanka Qaycad ee koonfuurta gobalka Mudug.

Ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Al Sahbaab ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisimihii dagaallamayaasha Al Shabaab lahaayeen.

Hawlgalkaan oo dhacay xalay abaaro salaaddii subax kadib ayaa dhammaan goobihii lagu beegsaday kooxda Al Shabaab waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay haweenka ka tirsan labada Aqal? (Sawirro)

Caydiid Ali

At least 3 hurt as bomb explodes near aid office in Somalia

admin

Somalia oo QM ka dalbatay in loo fasaxo arrin laga xanibay Soddon sano ka hor (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---