Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kahor yimid go’aankii Shirkii Muqdisho kuna baaqay…

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa looga hor-yimid war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaa oo muddo kordhin hal sanno ah loogu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland warka uu soo saaray ayuu ku sheegay in heshiiskii horey u gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah fashilmay, maadaama aan la xureyn deegaannada ay cadawga heestaan.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qabsanayaan doorashada golaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waxa ay sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo beesha Caalamka ugu baaqeen in la ilaaliyo dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Cabdi Cade

Muxuu Rooble ka yeelayaa kuraastii ay boobka ku ansixiyeen Guddigii uu shaqada ka eryey?

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---