Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saakay kusii jeeda dalka …

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Isniin ah waxa ay kusii jeedaan magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga.

Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowlada Talyaaniga oo kamid ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha marka uu tago Talyaaniga la kulmi doonaa madax sare oo katirsan dowlada Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Madaxda dalka Talyaaniga kala hadlo arimo dhowr ah ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Talyaaniga u kordhin lahaa taageerada uu siiyo dowlada Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidanka iyo dhinacyo kale oo muhiim ah, Talyaaniga ayaa doorkii uu horey ugu lahaa Soomaaliya uu soo gumeestay gabay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay: Weerarkii 7da Oktoobar wuxuu jawaab u ahaa dulmiga Israaiil”

Caydiid Ali

Joe Biden oo Raali galin ka bixiyay Ciidamo jiiftay goob baabuurta la dhigto (Sawirro)

Cabdi Cade

Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---