Allbanaadir.com
NEWS

Munasabad weyn oo ka dhacday xafiiska RW Somalia (Sawiiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda casho sharafta ah oo uu sameeyay gudddoonka Golaha Shacabka ayaa waxa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Madaxweyneyaasha Dowlad-gobolleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo xubno ka tirsan golayaasha  kala duwan ee dowladda.

Fanaaniin ka tirsan hobolada Waaberi ayaa munaasabadaas ka qaaday heeso iyo suugaan kale oo lagu soo dhoweynayey gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti oo shalay dalka soo gaaray.

Gudoomiyaha baarlaamanka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaas ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey, isagoo sheegay xoojinta xiriirka Somalia iyo Jabuuti uu gundhig u yahay horumarka iyo nabada geeska Afrika.

Related posts

Jubbaland oo Wararkii Ugu Kululaa kasoo saartay Dagaalkii Muqdisho Eedeyna u jeedisay DF 

Cabdi Cade

Madaxeyne Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan lagu laayay

Cabdi Cade

Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---