Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka soo horjeestay Warkii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee muddo kordhinta loogu sameeyey madaxda dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo K/Galbeed
“Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu War saxaafadeed ay soo saareen siuaasiyiinta kala ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Shiikh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore Xassan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur oo ka tirsan golaha shacabka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA AY SOO SAAREEN