Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Spain

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo matalaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dowladda iyo shacabka Isbaaniya (Spain ) ka dib fatahaaddii  ay ku dhinteen in ka badan 63 qof ee ka dhacday dalkaas.

“Waxaan la wadaageynaa murugada dhacdadan naxdinta leh, annagoo u taagan garab istaagidda qaranka Isbaaniya, waxaana ugu tacsiyadeynaynaa qoysaska iyo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray

“Fikraddeena iyo ducooyinkeena waxay la jiraan hoggaanka Isbaaniya, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, iyo sidoo kale dadka adkeysiga badan ee Isbaaniya, kuwaas oo midnimadooda iyo dulqaadkoodu muhiim u noqon doonaan waddada soo kabashada. Masiibadan waxay xasuusinaysaa muhiimadda iskaashiga caalamiga iyo diyaar-garowga marka la wajahayo masiibooyinka dabiiciga ah ee na wada saameeya.

Soomaaliya waxay ku sii adkaysanaysaa horumarinta wada shaqaynta caalamiga ah si loo xoojiyo iska caabbinta, loo caawiyo soo kabashada, lana sharfo xiriirka bini’aadannimo ee inaga dhaxeeya xilliyada murugada iyo dhibaatada leh.

Hadalka DF ayaa ku soo beegmay xili ugu yaraan 63 qof lagu soo warramayo inay ku dhinteen fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ayay Koonfur bari dalka Spain.

Daadadka xooggan ayaa sababay burburka dhismayaal waddooyin iyo buundooyin, waxaana la arkayay gaadiid ay biyaha qaadeen.  Magaalada Chiva ayaa ka mid ahayd goobaha saameynta ugu weyn ay ku yeelatay fatahaadaha.

Maamulka magaalada ayaa sheegay inay direen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sahminaya goobaha ay dadka ku go’doonsanyihiin.

Boqorka dalka Spain Felipe VI oo qoraal ku daabacay boggiisa ‘X’ ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay fatahaadda, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha.

Wali waxaa socota samatabixinta iyo baadi goobka loogu jiro dadka fatahaadaha ay saameeyeen.

Warbaahinta dalkaas ayaana sheegeysa in marba marka ka danbeysa ay kordhayso qasaaraha ka dhashay fatahaadaha

Related posts

R/W Rooble oo tilmaamay jidka kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto horumar

Cabdi Cade

Siyaasi labo sano kahor geeriyooday oo la aasay kadib markii Wiilkiisa Madaxweyne noqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed jadib qaraxii Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---