Dawladda Spain, ayaa sheegtay inay joojisay qandaraas malaayiin doollar ah oo ay rasaas uga iibin lahayd shirkad militari oo laga leeyahay Israa’iil
Spain ayaa sheegtay in talaabadan ay qeyb ka tahay go’aankii Spain ee bishii Oktoobar,2023 lagu mamnuucay in wax hub ah laga iibiyo Israa’iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha Spain.
Spain ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee sida weyn u taageerray Falastiini, waxayna aqoonsadeen dawladda Falastiin oo ay siiyeen maqaamka dawlad madax bannaan, iyadoo boqorka dalkaas uu aqoonsiga ka guddoomay bilowgii sannadkan safiir dalkaa u fadhinaya Falastiin.
Dhinaca kale, Wasiirka maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich oo ka mid ahaa xubnaha wasiirrada midigta fog ee xagjirka ah oo ku qasbay inuu Netanyahu dagaal dhulka ah ku qaado koonfurta Lubnaan , ayaa maanta sheegay in dagaalka ay soo gabagabeyn doonaan dhammaanka sannadkan, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay wargeyska Israa’iil ee Israel Hayom.
Israa’iil ayaa dhimasho aysan horey u arag kala kulantay xadka Lubnaan, halkaasoo maalintii ugu yaraan saraakiil iyo askar tiro badan looga dilo Israa’iil , iyadoo sidoo kale dagaalka ay Israa’iil ku wayday saraakiishii iyo guutooyinkii khibrada lahaa ee kumandooska, iyadoo ciidanka Israa’iil ee ku sugan xadka Lubnaan waxay ku hanjabayaan inay dagaalka ka baxayaan haddii aan dhaqso loo soo afjarin, sida ay baahisay shabakadda CNN ee Mareykanka.